Ciidamada Dowladda oo howlgallo ka fuliyay deegaano hoos yimaada G. Baay

Image

BAYDHABO, Soomaaliya - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo ka dhan ah kooxda AS ka sameeyay deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Taliyaha Ururka 154-8-aad ee qeybta 60-aad Xasan Aadan Cali, ayaa hogaaminayay howlgalka, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan ‘AS’ oo ku sugnaa deegaano ka tirsan degmada Diinsoor.

Deegaannada Saaxda Rooxaale, Gaanuwaay, Degolool, Banayaal, Biilaale, Degomar, Kurmaan, iyo deegaano kale oo ku yaala Waqooyi Galbeed ee degmada Diinsoor ee gobolka Baay ayaa si gaar ah diiradda lagu saaray howlgalkan.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan ku baaqay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen in dhinac looga soo horjeesto kooxda ‘AS’.

Kooxda ‘AS’ ayaa haatan gacanta ku haysa inta badan ee maamulka Koonfur Galbeed, iyadoo la filayo in dhawaan laga bilaabo wajiga 2-aad ee howlagalka ka dhanka ah ‘AS’, inkastoo aan muuqan wax diyaar-garow ah ay isugu abuubalayaan dadka deegaanka dagaal ku wajahan kooxda ’AS’.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM