Ciidamada dowladda Federaalka Somalia oo Howlgallo ka sameeyay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Howlgal ballaaran, oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdishu, ayaa saaka ka dhacay qeybo ka tirsan magaalada, kuwaasi oo lagu soo qabtey dhalinyaro looga shakiyay inay yihiin Al shabaab.

Ciidamada oo isagu jira Boolis iyo Nabad Sugida ayaa xiray Wadooyinka KM4, Tarabuunka, Wadada Wadnaha, Jidka 30-ka iyo Warshadaha, waxaana ay hakad geliyeen Gaadiid dadweynaha inta uu socday howlgalkooda.

Howlgalka oo qeyb ka ah Barnaamijka Xukumadda ay ugu magac-dartey Xasilinta Caasumadda, ayaa waxaa lagu soo qabtey hub, walxaha qarxa iyo dhalinyaro badan, oo looga shakiyay inay katirsan yihiin Al shabaab.

Ciidanka waxay baareen guryo ku yaalla dhowr Xaafadood, waxaana ay kasoo qabteen dad badan, oo markii dambe meel banaan ah  isugu geeyay iyagooo ka xiran indhaha, kuwaasi oo markii uu howlgal dhamaadey loo qaadey Xarunta Dembi-baarista CID-da.

Waa Wajigii labaad, ee howlgalka Xasilinta Caasumadda, oo loogu talo galay in looga hortago weerarada Al shabaab, inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan-ka, oo labo mareysa Maanta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM