​Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano katirsan gobolka Gedo

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidanka dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta la wareegay deegaano katirsan gobolka Gedo oo ay maamuli jirtay kooxda Al Shabaab.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidankan oo katirsan kuwa milatariga ay gacanta ku dhigeen dhowr deegaan oo hoos yimaada gobolkaas.

Qabshada deegaanada ayaa ku yimid dagaal dhexmaray kooxda Al Shabaab iyo ciidanka dowladda kaasoo lagusoo waramayo inay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa ku waramay in dagaalkaasi in ay kula wareegeen fariisimo Shabaab ay lahaayeen iyo Agab Millitari.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay goobo 30-KM ujira degmada Baardheere.

Lama oga tirada rasmiga ah ee labada dhinac waxyeelladu kasoo gaartay dagaalkaas.

Faarax Maxamed Turbac oo ah sarkaalka hoggaaminayay Dagaalka oo la hadlay warbaahinta gudaha, ayaa tilmaamay inay qaadeen xilli habeen ah islamarkaana dhabar jab u gaysteen mallayshiyaadka kooxda Shabaab.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay kooxda Al Shabaab oo ku aadan sheegashada dowladda Somalia ee guusha dagaalka Gedo.

Gobolkaas meelo kamid ah waxaa gacanta ku hayaa Shabaab, waxaana socda dadaalo dowladda Somalia ku doonayso inay kaga xorayso guud ahaan gobollada dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM

Midowga Africa oo Shir degdeg ah ka yeeshay go'aanka uu Mareykanku ku jaranayo dhaqaalaha howlgalka Soomaaliya

Mareykanka ayaa sheegay inuu tan iyo sannadkii 2007 ku bixiyay ku dhowaad $2 bilyan taageerada AMISOM iyo ATMIS.

  • Soomaliya

    03-07-2026

  • 04:25PM