Ciidamada dowladda Somalia oo ka baxay Ceel-Baraf

Image

CEEL BARAF, Somalia- Ciidamada militariga dowladda Somalia ayaa isaga baxay deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe, iyadoo durba ay la wareegeen malleeshiyada kooxda Al shabaab.

Wararka aan helayno goobtaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ka baxeen Ceel-Baraf saakay aroortii, iyagoo u ruqaansaday dhanka degmada Mahadaay, oo ay ku sugan yihiin ciidamo katirsan AMISOM.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta Ceel-Baraf, sidoo kalena ay boqolaal qof meel fagaaro ah kula hadleen.

Al shabaab ayaa hore u qabsatay deegaankaasi dhowr jeer, inkastoo markii dambe laga saarey.

Saraakiisha Ciidanka Militariga DFS ee gobolka Shabeellaha dhexe, oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan ka bixitaanka ciidankooda ee deegaanka Ceel-Baraf, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay.

Tallaabadan ayaa timid xilli dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay sheegtay in ururka Al Shabaab dalka looga saari doono Muddo labo sano ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM