Ciidamada Ethiopia iyo kuwa DFS oo la wareegay deegaanka Halgan

Image

HALGAN, Somalia- Ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia, ayaa maanta dib ula wareegay deegaanka Halgan, ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay isaga baxday Kooxda Al shabaab.

 Ciidamada iskaashanaya, ayaa ka galay Halgan dhowr jiho, waxaana ay si buuxda gacanta ugu dhigeen guud ahaan deegaanka, iyagoo aan la kulmin wax iska-caabin ah dhinac malleeshiyada Al shabaab.

Al shabaab ayaa faarujiyay deegaanka habeenkii xalay, kadib markii ay ka warheleen inay kusoo wajahan yahay duulaan xooggan, waxaana ay u ruqaansadeen deegaannada kale ee ku dhaw Halgan.

Ciidamada Ethiopia ayaa ka baxay Halgan 7 bilood kahor OCTOBER 2016, waxaana ku laabashadooda ay kusoo aadaysaa xilli maanta Madaxweyne Farmaajo u safray magaalada Addis Ababa.

Kooxda Al shabaab ayaa dhawaan la wareegtay deegaanno badan iyo degmooyinka ay kamid tahay degmada Ceelbuur, ee gobolka Galgaduud oo dhawaan ay kasoo baxeen ciidamada Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM