Ciidamada Jubaland oo "soo afjaray" weerarka hotel-ka Kismaayo

Image
Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ilaa haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkan.

KISMAAYO, Jubaland - Ciidanka ammaanka Jubbaland ayaa soo afjaray weerar ay maleeshiyaadla Al-Shabaab ay ku qaadeen Hotelka Tawakal ee magaalada Kismaayo, sidda uu baahiyey TV-ga maamulka.

"Ciidanka ayaa dilay dhammaan dhagar qabeyaashii weerarka soo qaaday ee ka tirsan khawaarijta arxanka daran ee u ooman dhiiga shacabka Soomaaliyeed," ayaa lagu qoray bogga Facebook-ga ee telefishinka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Ciidamada naftood hureyaasha ah ee Jubbaland ayaa hotelka kasoo badbaadiyey dad shacab ah oo ku sugnaa xilligii weerarku dhacay".

Hoteelka wuxuu ku yaalaa wadada gasha dekeda, waxaana la sheegay in albaabkiisa lagu dhuftay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, halkaas oo waardiyeyaashii joogay ay ku baxeen.

Waxay wararka sheegayaan in meesha ay shir ku lahaayeen koox ganacsato ah, sidoo kalena xaflad qalin jabin ah ay uga socotay arday. Si lamid ah shir lagu abaabulayay guluf ciidan ayaa ka socdey.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa ilaa haatan la xaqiijiyey inay ku dhinteen weerarkan oo ay sheegatay kooxda gacansaarka la leh shabakdda argagixisada ah ee Al-Qaacida.

Dadka dhintay waxa la sheegay in ay ku jiraan arday iskuul oo meesha marayey markii uu weerarku bilowday. Waa weerarkii labaad ee noocan ah ee lagu qaado huteel oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Kacsan oo Koonfur Galbeed ka Taagan iyo Ciidamada DFS oo Magaalo oo La Wareegay

Madaxweyne Laftagareen ayaa noqday hoggaamiye kale oo maamul goboleed oo hakiya xiriirka kala dhexeeya dowladda dhexe.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 08:01AM

Wasiirro ka soo jeeda Koonfur Galbeed oo is-casilay, xiisad siyaasadeed oo cirka isku shareertay

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay hakisay doorashooyinka maamulka tan iyo 2022.

  • Soomaliya

    20-03-2026

  • 09:05PM