Ciidamada Jubbaland oo dilay 4 katirsan Al Shabaab

Image

KISMAYO, Somalia– Afar xubnood oo katirsanaa Kooxda Al shabaab ayaa lagu dilay Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Cabdi-Dhoore, ee gobolka Juabbada Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Ciidamada maamulka Jubbaland ay weerar ku qadeen Deegaanka Cabdi-Dhoore, oo qiyaastii 40KM dhank Galbeed uga began magaalada Kismaayo.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Jubbaland ayaa bur buriyey Bar fariisin ah oo ay Malleeshiyada Al-Shabaab Canshuur ku qaadi jireen sida ay sheegeen Saraakiisha maamulkasi.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Dagaalka dhexmaray Ciidamada maamulka Jubbaland iyo Al Shabaab uu haa mud xoogan, oo socday mudo saacado ah.

Wararka ayaa sheegay in Al shabaab laga saarey Deegaanka, kadib markii looga awood roonaadey Dagaalkii saaka, kaasi oo afar looga diley kuwa kalena nolosha lagu qabtey.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al shabaab oo ku aadan Dagaalka Cabdi-Dhoore.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM