Ciidamada Kenya oo faarujiyay degmada Baardheere

Image

BAARDHEERE, Somaaliya - Ciidamada Kenya, ee qeybta ka ah AMISOM ayaa lagu soo waramayaa inay saaka faarujiyeen degmada Baardheere, ee gobolka Gedo xilli ay soo kordhayaan weerarada Al shabaab ee degmooyin ku yaalla gobolkaasi.

Ciidamada Kenya u ruqaansadeen dhanak degmada Beled Xaawo, oo 4KM u jirta Xuduuda Kenya. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo katirsan Jubbaland iyo kuwa Ethiopia ay la wareegeen Mas'uuliyadda amaanka magaalada.

Waxaa maqan Isgaarsiinta magaalada tan iyo xalay, iyadoo taasi lagu micneeyay inay la xiriirto ka bixitaanka Ciidamada Kenya ee Baardheere.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa ku sugan gobolka Gedo, xilli Al shabaab ay weerartay Beled Xaawo iyo Ceel Waaq Todobaadkan.

Warar ayaa sheegaya in amaanka Baardheere iyo degmooyin kale lagu wareejinayo Ciidamada Liyu Boolis, kuwaasi oo bedeli doona Ciidanka Kenya, ee qeybta ka ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Al shabaab ayaa aad ugu xoog badan deegaanada dhanaca xadka, oo la rumaysan yahay inay ka abaabulaan weerarada ka dhanka ah Kenya iyo Ciidamada ku sugan gobolka Gedo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM

Sacuudiga Oo Heshiis Amni la galay dowladda Soomaaliya

Heshiiskaan ayaa qeexaya iskaashi toos ah oo u dhexeeya Waaxda Ammaanka Madaxtooyada Sacuudiga iyo hay’adda sirdoonka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 08:57AM