Ciidamada Soomaaliya oo sheegtey beegsiga shir u socday Al-Shabaab

Image
Howlgalkan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Nabad Suggida Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah, ayaa hawlgal ammaanka lagu xaqiijinaayo waxa ay ka sameeyeen tuulo yar oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, halkaasi oo la sheegay in Sabtidii ay ku shirsanaayeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Al-Cadaala ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhacay deegaanka Qoob-Yaxaas ee gobolka Hiiraan. Hase yeeshee waxa uu ka gaabsaday in uu ka hadlo khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

“Ciidanka iyo kuwa kale ee la socday ayaa meesha beegsaday, iyagoo meesha ka saaray maleeshiyaadkii isku soo uruursaday, sidoo kale waxay burburiyeen labo gaari oo ay la socdeen horjoogayaasha Khawaarijta oo goobta ku sugnaa, dib ayaan kasoo sheegi doonaa khasaaraha ka dhashay," ayuu yiri Taliyaha.

Maalin ka hor, ciidamada ammaanka Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxiibo caalami ah ayaa sheegtay dilka in ka badan 160 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, kadib howlgalo afar maalmood qaatay oo ay ka fuliyeen guud ahaan dalka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Daa’uud Aweis Jaamac ayaa xusay in argagixisada lagu soo afjaray howlgalo kala duwan oo laga sameeyay dowlad goboleedyada Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed 28-kii ilaa 31-kii bishan July.

Aweis ayaa shirkiisa jaraa’id ee todobaadlaha ah ka sheegay in in ka badan 100 maleeshiyo lagu dilay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, halka in ka badan 60 kalena lagu soo afjaray howlgalladii ciidamada ay ka sameeyeen deegaanka Ceel-dhuun ee gobolka Koonfur Galbeed.

Howlgalladan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dowladdu federaalka Soomaaliya ay diyaar garow ugu jirto wejiga labaad ee ololaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab kaas oo culeyskiisa ka dhici doona Jubooyinka, Galmudug iyo Koonfur Galbeed isla markaana loo abaabulay tiradii ugu badneyd ee ciidamo kala duwan ah kuwaas oo u badan dad rayid ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM