Ciidamada xoogga dalka Somalia oo u dabaal dagay 57 sano guuradii aas-aaskooda

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Somalia, Ra’isal wasaaraha iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Somalia, ayaa maanta ka qayb galay munaasabad 57 guuradii kasoo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka oo lagu qabtay magaalada Muqdishu.

Ciidankan ayaa la aas-aasay 12 April 1960-kii, waxayna soo mareen marxalado kala duwan.

Xafladda ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia, waxaana madaxda dowladdu soo xirteen dharka ciidanka.

Ammaanka magaalada Muqdishu ayaa aad loo adkeeyay, waxaa la xiray waddooyinka qaybtood.

Talefishinka ku hadla Afka dowladda Somalia, ayaa sannad guuradaas u tabinayay si toos ah iyadoo lagala socday guud ahaan dalka iyo dibadda.

Xaflado kala duwan ayaa lagu qabtay xarumaha maamullada dalka Somalia, kuwaasoo lagusoo bandhigay Gaada-kacayaar ay sameeyeen ciidamada qalabka sida.

Meelaha laga xusay waxaa kamid ah magaalada Garowe, waxaana ka qayb galay Taliyaha ciidamada qalabka sida ee Puntland, Siciid Dheere oo hadal uu ka jeediyay ku sheegay in ciidanka daraawiishta Puntland laga badalayo magacaas oo loo bixinayo ciidamada xoogga dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM