Ciidamadda oo Al-Shabaab ka burburiyey "maxkamad beenaad"

Image
Ciidamadda huwanta ah ayaa sidoo kale waxay qabsadeen degaano deegaano dhowr ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guutada 14-ka October ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay gobolka Shabeellaha Hoose ayaa saacadihii la soo dhaafay Al-Shabaab kala wareegay deegaano dhowr ah.

Degaanadda ay ciidamada dowladda la wareegeen ayaa waxaa kamid ah Jowhar Awdheegle, Ay-Butey, Gumeysidid, Kali Cafimad, iyo Buulo-nagey oo hoos taga degmooyinka Awdheegle, Jannaale, iyo Nambar 50.

Sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka hoggaamineysa oo ay soo xigatay warbaahinta ku hadasha afka dowladda, ciidamada ayaa waxay burburiyeen isbaarooyin iyo maxkamado been abuur ah oo ay kooxdaasi lacago baad ah uga qaadi jireen dadka iyo gaadiidka dadweynaha.

Ciidamada dowladda ayaa Al-shabaab kala wareegay magaalooyin iyo tuulooyin waaweyn oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeellaha Hoose tan iyo bishii Augusto ee lasoo dhaafay.

Maamulka Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tan iyo markii dib loo doortey May 15, 2023 waxa uu dardargeliyey gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab kaasoo haatan uu gabagabo yahay wajigiisa koowaad.

Wajiga labaad ee howlgalka ayaa qorsuhu yahay in uu bilowdo kadib dhamaadka bisha barakeysan ee Ramadaan. Saraakiisha milatariga Soomaaliya waxay caddeeyeen in howlgalka ay kusoo biiri doonaan wadamadda dariska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM