Ciidamo cusub oo ku biiray dagaalka ka dhanka ah al-shabaab

Image

CADALE, Soomaaliya - Boqolaal ka tirsan ciidamada deegaanka ayaa isugu soo baxay degmada Cadale, si ay u muujiyaan sida ay diyaar ugu yihiin ka qeyb galka dagaalka ka socda bariga gobolka Galgaduud.

Tirada askartan ayaa gaaraysa 1,500 oo askari, kuwaas oo ka soo jeeda degmada Cadale, ujeedkooduna yahay sidii ay dalka uga saari lahaayeen kooxda al-Shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dawladda.

Xildhibaan Yaasiin Farey oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay askartan ayaa u ballan qaaday in laga farxin doono haddii ay gacanta ku soo dhigaan deegaanada bariga Galgaduud.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in ciidamo badan oo gobolka Hiiraan ku sugan ay ku biiraan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galguduud, iyaga oo kaalmo ka hlaya dowladda Federaalka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM