Ciidamo la wareegay xarunta Wasaaradda Difaaca Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Ciidamo hubaysan ayaa goordhaweyd la wareegay xarunta wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Federaalka Somalia, xarunteeda magaalada Muqdishu, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya GO.

Ciidamadan ayaa kasoo baxay dhufaysyadii ay ku lahaayeen magaalada Muqdishu, isagoo sidoo kale soo kaxaystay agabkii kale ee ciidanka sida baabuurta Gaashaan.

Boqolaal Askari oo aad u huabysan, ayaa xiray wadooyinka ku dhaw xarunta Wasaarada Difaaca, waxaana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqii Wadada Warshadaha.

Ciidanka ayaa ka cabanaya Xuquuq ka maqan iyo musuq-maasuq ay ku eedeeyeen taliyaashooda.

Mid kamid ah Askarta Gadoodka ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dowladda Somalia ay bixisay 6 bilood oo mushaar ah, balse ay musuq-maasuqeen Taliyaasha ciidamada xoogga dalka.

"Dowladda waxay soo dhiibtay mushaarka 6 bilood, waxaa nala siiyay labo bilood oo kaliya, taasina waxaa u sababa ah Taliyaasheenna, oo na musuq-maasuqay," Ayuu yiri Askariga oo la hadlay GO.

Majirto cid katirsan dowladda Somalia oo ka hadashay arrintaasi, balse waxaa socda dadaalo lagu qancinayo ciidamada.

Maaha markii ugu horaysay ee ay ciidanku gadood sameeyaan tan iyo markii uu xafiiska la wareegay Madaxweyne Farmaajo.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli Madaxweynuhu ballan qaaday inay joogto u celi doonaan ciidamadu xuquuqdooda.

Xaaladda Muqdishu ayaa dagan, balse waxaa aad loo hadal hayaan dhacdadan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM