GALMUDUG: ​Ciidamo laga saarey Cadaado [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

CADAADO, Soomaaliya - Ciidamo Malleeshiyo Beeleed ah, ayaa laga saarey magaalada Cadaado, xilli cirka uu isku soo shareerayo Khilaafka madaxda maamulka Galmudug.

Xildhibaanada Federaalka ee ku sugan Cadaado, ayaa ku guuleystay in Magaalada ay ka saaraan Ciidamada oo la sheegay inay wataan siyaasiyiin xil-doon ah, oo uu kamid yahay Axmed Shariif.

Axmed Shariif, waa Siyaasi ay isku heyb yihiin Axmed Ducaalle Geelle "Xaaf", waxaana uu ku jiraa loolan adag, oo ku aadan hogaanka sare ee Galmudug, waxaana uu ka qeybgalay tartankii Doorashada bishii May.

Ciidamadan oo aad u hubaysan, islamarkaana wata Gaadiid dagaalka oo gaaraya 12 Cabdi-Bile, ayaa waxay qaarkood ka yimaadeen dhanka Koonfurta magaalada Gaalkacyo, ee xarunta gobolka Mudug.

Warar ayaa sheegaya Axmad Shariif oo haysta tageerada dowlada Federaalka Somaaliya ciidamadaan ka yimid Galkacayo lacago u direy.

Axmad Shariif ayaa dhinaca kale taageero ka helaya Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee Barlamanka kuwasoo uu kamid yahay Wasiiru dowlaha Howlaha Guud iyo Dib u dhiska Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

Qoor Qoor oo ka tirsan Beesha Saleebaan ee Habargdir oo dagta magaalada Cadaado ayaa horey ciidamo Ilaalo ah oo Tekniko ku hubeysan siiyey Axmad Shariif.

Xaaladda guud ee magaalada Cadaado, ayaa caadi kusoo laabatay ka dib markii ciidamadii ku sugnaa la geeyay saaka deegaanka Gelinsoor ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaanada Axmed Macalin Fiqi , Mahad Salaad, Abshir Bukhaari iyo Cabdi Qeybdiid ayaa Ciidamada Magaalada ka saaray, iyagoo ku howlan deminta Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM