Ciidanka oo "qabsadey" degaan ay Al-Shabaab ku lahayd maxkamad

Image
Degaanka Qaayib ayaa lagu waramay in ka badan muddo lix sano ah ay maleyshiyaadka fariisin ku lahaayeen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidanka Soomaaliya ayaa la wareegay degaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaas oo degmada Baxdo koofur ka xiga ilaa 40km, sidda ay sheegtay Madaxtooyada Galmudug.

Sida ku xusan qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Galmudug, howlgalka "lagu xoreeyay" tuuladan waxaa fuliyey ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka.

Kornel Cabdi Maxamuud Jaamac oo ay soo xigatay warbaahinta qaranka ayaa xaqiijiyey in ciidanku ay dagaal la'aan kula wareegeen Qaayib, "haatana ah deegaano kale argagixisada ku sii baacsanayaan".

War-saxaafadeedka Madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu caddeeyay in degaankan ay ku taalay maxkamad ay Al-Shabaab lacag uga qaadi jireen dadka shacabka ah.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Dowladda Galmudug waxay bogaadineysaa howlgalka ciidamada xoogga Dalka, kuwa daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaankaba ay ku xoreeyeen deegaanka Qaayib.

Howlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah saakay u fuliyeen ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo dadka deegaanka oo iskaashanaya ayay si buuxda gacanta ugu dhigeen deegaanka Qaayib ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo gabi ahaanba laga xoreeyay kooxaha argagaxisada ee Shabaab

Qaayiib waa deegaan ay muddo dhib ku hayeen kooxaha argagaxisada ah, halkaas oo u aheyd maxkamad beeneed ay ku dhici jireen hantida dadka shacabka ah.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa bogaadiyay ciidamada kala duwan ee Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa deegaanka, asagoona ku dhiiro geliyay shacabka Galmudug iyo ciidamada qalabka sidaba inay sii laba jibaaraan howlgalkan lagu xoreynayo deeganada Galmudug.


Degaanka Qaayib ayaa lagu waramay in ka badan muddo lix sano ah ay maleyshiyaadka Al-Shabaab fariisin ku lahaayeen. La wareegidan waxay ka dhigan tahay guul kale oo kasoo hooyatay howlgalada soconaya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM