Ciidanka oo sheegtay "dilka" laba horjooge Al-Shabaab ah

Image
Labada hogaamiye ayaa la sheegay in ay qaabilsanaayeen uruurinta lacagaha baadda ah.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Milatariga Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in howlgal qorsheysan ay ku dileen "laba horjooge" oo ka tirsanaa maleyshiyaadka Al-Shabaab, sidda ay warisay warbaahinta dowladda.

Howlgalkan oo la sheegay in uu ahaa mid "guuleystay" ayaa, sidda ay warisay wakaaladda wararka qaranka ee SONNA, wuxuu ka dhacay degaanka Dhursheenshiblee ee gobolka Bakool.

Horjoogeyaasha lagu waramay in lagu khaarijiyey howlgaladan oo aysan wali ka hadlin xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Axmed Mooragaabay iyo Cali Garweyne.

Mooragaabay iyo Garweyne ayaa la wariyey in ay qaabilsanaayeen uruurinta lacagta baadda ah. Degaanka howlgalka ka dhacay ayaa qiyaastii 35 KM wuxuu u jira Xuddur.

"Ciidanka ayaa sidoo kale waxay kasoo furteen horjoogiyaasha la laayay hubkii ay siteen, mana jiro wax khasaare ah oo soo gaaray ciidanka intii howlgalku socday," ayay raacisay warbixinta wakaaladda SONNA.

Sarkaal ciidan ayaa laga soo xigtey: "Dilka labadan horjooge ayaa dharbaaxo weyn ku ah Khawaarijta gaar ahaan kuwa ku dhuumaaleysanaya deegaanada gobolka Bakool".

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya xilli qaybo kamid ah degaanadda Koonfur Galbeed ay ka socdaan abaabul xooggan kaasoo la sheegay in la doonayo in lagu bilaabo howlgalo ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM