Ciidanka Soomaaliya oo sheegtay dilka ajaaniib Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 30-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odawaa Yuusuf Raage ayaa shaaca ka qaaday in howlgal ay ciidamada dowladda ka sameeyeen deegaanka Ceel-qabobe ay ku dileen dagaalyahano Ajaanib ah oo ka bar bar dagaalama kooxda Al-Shabaab, tiro kalena ay nolosha ku qabteen.

Howlgalkan ayaa ka dhacay meel qiyaastii 30-KM u jirta degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, waxaana ciidanka ay ka war hayeen dhaq dhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Sida uu sheegay Taliye Odawaa Yuusuf Raage, dagaalyahanada Ajaanibta ah ee la dilay ama la qabtay ayaa waxa ay wateen hub iyo agab kale oo ay leedahay Shabaab.

“Howlgalka waxa uu ahaa mid taxadar leh loo fuliyey, mana jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray ciidanka, dadka deegaanka iyo kuwa ka agdhawaa, ciidanku aad ayay u feejigan yihiin oo diyaarsan yihiin,” ayuu yiri General Odawaa.

Sidoo kale, ciidamada ayaa burburiyay gaadiid ay kooxdaasi ku diyaariyeen walxaha qarxa oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

Ururka Al-Shabaab ayaa ah koox xagjir ah oo xiriir la leh Al-Qaacida, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay afgambiyaan dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.

"Gaadiidkan waxa ay ahaayeen kuwa xamuulka qaada oo doomo lagu soo raray waxaana lagu soo raray walxaha qarxa sida TNT iyo walxo kale oo halis ah, waxa ay doonayeen in ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, balse ciidanka ayaa gubay gaadiidkii iyo shixnad ay wateen," tibaaxay General Odawaa Yuusuf Raage.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM