Ciilmooge: waxaa jira Midnimo diid Xamar xilal ka haya.

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirkii hore ee hawlaha Guud ee dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi ayaa ka hadlay waxa uu ugu yeeray "Midnimo Diid xilal ka haya dowlada federaalka Soomaaliya".

Ciilmooge oo ka jawaabayay su'aal laga waydiiyay siyaasiyiintaan ayuu ku tilmaamay in ay yihiin dad ay saamayn ku yeesheen dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

"Waxaad arkaysay dhawaan dad ka hadlayay hogaamiyaha Khaatumo oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay. Waa arintaasi waa mid hoos u dhigaysa in la dhagaysto ama la rumeysto" credibility".

Isaga oo sii hadlaya ayuu sheegay in ay tahay mid Soomaalinimo muujinaysa tilaabada uu Muqdisho ku tagay isaga oo calanka sida Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-cali"Firdhiye".

Dhawaan ayay ahayd markii xildhibaano ka tirsan golaha shacabka dowlada federaalka Soomaaliya isla markaana matala Somaliland ay sheegeen in ay tahay in la ilaaliyo hanaanka Somaliland taasi oo dad badan ay su'aal geliyeen u daacadnimooda Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee lagu dhaariyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM