​Codaynta wareegga 1aad ee doorashada Madaxweynaha Somalia oo socota

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa hadda si toos ah u bilaabatay magaalada Muqdishu, waxaana soo xaadiray 328 mudane sida uu sheegay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha golaha Barlamanka aqalka hoose.

Hal mudane ayaa ka maqan hoolka doorashada kaasoo la sheegay inuu xanuunsanyahay.

Jawaari ayaa xafladda doorashada si rasmi ah u furay, wuxuuna tilmaamay in doorashadu noqon doonto mid ku dhacda cadaalad.

Mar uu ka hadlay hababka loo kala guulaysan karo, wuxuu sheegay in wareegga 1aad Madaxweynaha noqon karo qofkii hela saddex meelood labo codadka Xildhibaanda Barlamanka oo ka dhigay 219 cod.

Wareegga 2aad ayuu tilmaamay inay u gudbi karaan murashaxiin gaaraysa 4 hadii aysan jirin qof 5aad oo codadka mid kamid ah Afartaas kala siman.

Wareegga saddexaad ayuu xusay inuu u gudbi doonaan 2 murashax ee ugu codka badan, kuwaasoo ku kala bixi doona hal dheeri codadkii ay heleen.

Dhammaan murashaxiinta labada Aqal ee Barlamanka Somalia ayaa si wadajir ah codkooda u dhiibanaya.

21 murashax ayaa ku tartamaya hoolka doorashada kadib markii uu tanaasulay murashax Zakariye Maxamud Xaaji Cabdi, kaasoo sheegay in faro galin qaawan lagu hayo doorashada Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM