Codeynta hogaanka guddiga kuraasta Somaliland oo la mudeeyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Doorashadda guddoonka guddiga maamulaya kuraasta Somaliland ayaa loo muddeeyay Sabtida asbuuca dambe iyadda oo coddeynta ay ka dhaceyso xerada Afasiyooni ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa ku wargeliyay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka xildhibaannada gobollada Woqooyi in ay u diyaar-garoobaan qabashadda coddeyntaas aadka isha loogu wada-hayo.

Arintan ayaa imaanaysa hal maalin ka dib markii Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Rooble uu kulan la qaatay 11-ka xubnood ee Guddiga oo horey isugu khilaafay qaabka ay isu dooranayaan kuwaasoo uu kala diray.

Dhanka kale, siyaasiyiinta reer Woqooyiga ee uu hogaamiyo Gudoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdiilaahi, ayaa ka soo horjeestay in 11 ka xubnood is doortaan, iyagoo taa badalkeeda codsanayay in 8 kaliya iska dhex doorato guddoonka Guddiga.

Maxamed Cabdi Maareeye oo ka mid ah garabka Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa khadka telefoonka ugu warramay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa caddeeyay in aysan qeyb ka ahayn doorasho aanan heshiis lagu hayn hal dhinacna ah.

Is-mari-waaga doorashooyinka Soomaaliya ayaa taagan tan iyo sanadkii lasoo dhaafay. Coddeynta waxaa loo balansanaa 2020-21. Hase ahaatee, waxay dib ugu dhacdey arrimo ay ugu horeyso xulista wakiiladda gobolada waqooyi Galbeed.

Khilaafkan haatan soo cusboonaanaya ayaa dib-u-dhac ku keeni kara xulista kuraasta Aqalka Sare oo haatan ka bilaabatay degaanada Koonfur Galbeed iyo Jubaland lana filayo in ay bilaabaan dowlad goboleedyadda kale ee ka jira waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM