​Cumar Cabdirashiid "Faro galin ayaa lagu hayaa doorashada Somalia" [Dhagayso]

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha waqtigiisu dhammaaday ee dowladda Federalka Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake ahna musharax u taagan xilka Madaxweynaha doorashadiisu dhacaysa 08 Febreuary, 2017, ayaa maanta saxaafadda uga waramay arrimo ku aadan waxqabadka xukuumaddiisa labadii sano ee u dambaysay.

Sharmaake, ayaa sheegay inay wax ka qabteen dhammaystirka nidaamka federaalka, kusoo dabaalista dalka xasilooni siyaasadeed iyo in wadatashi laga sameeyo qaabka laga dhigayo doorashada dhacaysa maadama la gaari waayay doorasho qof iyo cod ah.

Mudane CCC, sidoo kale wuxuu sheegay inay wax ka qabteen sidii maamullada iyo dowladda dhexe loo hagaajin lahaa xiriirkooda maadama isaga ka hor jireen khilaafyo badan.

Isagoo sii hadlaya ayuu murashaxan soo hadal qaaday culaysyo iyo farogalin uu sheegay inay ka imaanayaan waddamada dariska ah, isagoo ka codsaday in madaxbannaanida la ilaaliyo oo faraha looga qaado dadka Somaliyeed inay dhistaan dowladooda.

Inkastoo uusan cid gooni ah soo hadal qaadin hadana wuxuu tilmaamay in dalalka dariska la ah Somalia doonayaan sidii uu xilka u qaban lahaa murashax gooni ah taasoo culays lagu saarayo soo bixistiisa maamullada dalka ka jira.

“Waxaa jirta culeysyo runtii ka imaanaya dowladaha deriska, qaarkood, waxaa u sheegayaa inay naga dhaxeyso is qadarin iyo ixtiraam, amnigeeda gacanta nalaga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, sideedaba ma ahan in Amniga gacanta nagala siinayo nagala faa’ideysto oo ajande siyaasadeed iyo musharax gaar culeys la saaro iyo in dowlad goboleedyada inay u dheeli tiraan siyaasada musharax gaar ah,"Ayuu yiri murashax Sharmake.

Hadalkan ayaa soo baxay xilli mudane Sharmake lagu dhaliilayo inuu gacan saar hoose la leeyahay mudane Xasan Sheekh Maxamud oo safar ugu maqan dalka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM