Daacish oo sheegatay dilka Sarkaal katirsan NISA

Image

MUQDISHU, Somalia- Kooxda Daacish ayaa markii ugu horeysay sheegatay in Sarkaal sare oo katirsan Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee (NISA) ku dishay magaalada Muqdishu.

Wakaaladda Wararka u faafiso Daacish (Amaq News Agency), ayaa sheegtay in Sarkaalkaas lagu qaarajiyay Waqooyiga magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Soomaaliya.

Daacish ma aysan sheegin magaca mas’uulka ay dileen.

Wararka madaxabanaan ee GO uu ka helayo Xaafada Fagax ee degmada Yaaqshiid ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay qarax ka dhashay bamb gacmeed lasoo tuuray.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, Cabdifataax Cumar Xalane, ayaa Radio Garowe u sheegay inaysan jirin sheegashada Daacish ee dilka Sarkaalkaag.

Xalane, ayaa intaas ku daray inuu jiro qarax xalay ka dhacay magaalada Muqdishu, balse aysan jirin cid wax ka soo gaartay.

Arrintan ayaa timid xilli mallayshiyaad katirsan Daacish ay ku sugantahay qaybo kamid ah dalka Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM