Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay magaaladda Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Kooxda la magac-baxday Dowladda Islaamka ayaa dusha saaratay mas'uuliyada weerar lagu dilay askari oo ka dhacay Muqdisho, caasimadda waddanka Soomaaliya.

Sidda ay goobjoogeyaal u sheegeen Garowe Online, weerarka ayaa Khamiistii ka dhacay xaafada Suuq Bacaad, degmada Yaqshid ee gobolka Banaadir.

Daleydii falkaas ka dambeysay oo dhaawacay askari kale ayaa ka baxsatay meesha ay wax ka dhaceen, oo laamaha ammaanka ay soo gaareen.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in gacan ku dhiigleyaasha ay horey u qaateen qoriga uu watay askariga oo booliska Soomaaliya ka tirsanaa.

Sheegashada Daacish ee khaarijintaan ayaa sarre u qaadeysa walaaca laga qabo in uu kordho joogitaan ururkan ee magaala madaxda dalka.

Daacish ayaa horey u qaadatay mas'uuliyadda dilal ka dhacay caasimada. Dadka ay beegsatay waxay isugu jireen askar iyo shaqaalaha shirkad isgaarsiineed.

Markii ay kordheen falalka ay kooxdan ka geysaneyso Muqdisho, Al-Shabaab ayaa iclaamisay dagaal ka dhan ah Daacishta Soomaaliya oo ay ku eedeysay "marin-habaabinta Jihaadka".

Dagaalameyaal dhowr ah ayay isaga kala dileen meelo ay kamid tahay Muqdisho, wallow bilooyinkii lasoo dhaafey ay hoos u dhaceen.

ISIL waxay gobolada Soomaaliya kaga xoogan Puntland, halkaasoo ay kasoo ifbaxeen 2015-kii. Cabdiqaadir Muumin, oo horey uga mid ahaa horjoogeyaasha Al-Shabaab waa Amiirkooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Ku dhawaad 50% Saraakiisha dowladda Soomaaliya oo qaatay baasaboor ama kaarka aqoonsiga Kenya

Ilaa hadda ma jiro xaqiijin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Soomaaliya ama dowladda Kenya oo ku saabsan eedeymahan.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 10:33AM

Beesha caalamka oo dowladda Soomaaliya u qabatay illaa August in heshiis laga gaaro khilaafka doorashadda

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, farriintan ayaa markii hore loo gudbiyay mas’uul sare oo ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-07-2026

  • 06:56AM