Daacishta Soomaaliya oo go’aan ka qaadatay Amiirka cusub ee ISIL

Image

GAROWE, Puntland – Garabka Soomaaliya ee kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa war-saxaafadeed "adheecitaan ah" waxay u dirtay hogaamiyaha cusub ee Daacish, sidda laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Bayaanka ayaa yimid markii la xaqiijiyey geerida Abuubabar Al-Baqdaadi, aas-aasihii ISIL, kaasoo Mareykanka howlgal ku khaarijiyey.

Abu Ibrahim al Hashimi al-Qurayshi ayaa waxaa loo magacaabay Amiirka cusub ee Daacish, kaasoo aanan wali muuqaalkiisa la helin.

Qoraalka oo nuqul kamid ah lasoo dhigay bogaga taageera Daacishta Soomaaliya ee aalada Telegram ayaa waxaa kasoo muuqday dhowr dagaalyahano oo hubeysan, kuwaas oo hareerahooda ay ku yaaliin geedo.

Sawirka ayaa waxaa la socday qoraal kooban kaasoo ay ku balanqaadeen in ay daacad u noqonayaan horjoogahooda cusub.

Quraishi oo lagu magacaabay cod ay soo duubtay kooxdiisa ayaa waxay wacad ku mareen in ay ka aargudan doonan ciidanka Mareykanka.

Gulufka lagu khaarijiyey Baqdaadi ayaa ka dhacay waqooyi galbeed ee Suuriya, waxaana qeyb ka ahaa sirdoonka dowlado badan.

Sidda laga soo xigtay Mareykanka, Quraishi ayaa waxaa haatan u bilaabatay in ay tirsamaan maalmihiisa joogitaanka aduunka.

Donald Trump oo ku faanay "in aad u garanayaan Quraishi" ayaa ku goodiyey in ay ciidamada dalkiisu guda geleen uruurinta xogtiisa.

Daacishta Soomaaliya oo xubno u dagaalama badankooda kasoo goosteen Al-Shabaabka taabacsan Al-Qaacida ayaa waxaa ay aad ugu xoogan yihiin degaanada buuraldeyda ah ee Puntland, waxaana hogaamiya Cabdiqaadi Muumin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM