DAAWO: RW Kheyre oo difaacay waxqabadka xukuumadiisa xilli Xildhibaano mucaaradeen

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa difaacay waxqabadka Xukuumaddiisa cusub, xilli Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka Somalia ay dalka dibadiisa kasoo mucaaradeen.

Isagoo ka hadlay Xaflad lagu soo dhaweynayay Duqa Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, ayuu Ra'iisal Wasaaraha Kheyre sheegay in dowladdiisa ay qabatay wax badan mudadii 3 bilood ee xafiiska joogtay.

Amniga

Ra'iisal wasaaraha waxqabadka uu ku faanay waxaa kamid ahaa Amniga, oo uu xusay in Hay'addaha aniga Todobaadkii tagey ay fashiliyeen Labo Qarax oo Al shabaab ka geysan rabtay gudaha Caasumadda.

"Waxay billowday Xukuumadda inay Amniga ka qabato tallaabooyin cad-cad, Waad aragteen in ciidamada maalin kasta ay fashilinayaan baabuur dad Soomaaliyeed isku qarxin lahaa," ayuu yiri Kheyre.

Canshuurta

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay canshuurta dalka laga qaado, oo uu tilmaamay inay korartay mudada gaaban, ee uu Xafiiska joogo, isagoo taasina ku daray Guulaha ay gaartey Xukuumaddiisa.

"Waad aragteen inay korartay casnhuurta dalka laga qaadayay, waxayna ku koratay khasnada dowladda, si loogu bixiyo mushaarka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale Ra'isal wasaare Khayre oo dhinaciisa taagan yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegey in shacabka magalaada Muqdishu midoobaan islamarkaana la shaqeeyaan duqa magalaada oo uu xusey inuu magacaaban yahay muddo 60 Cisho kaliyah.

Hadalka Kheyre ayaa imaanaya, xilli ay jiraan Xildhibaanno Kutlado siyaasadeed uga dhawaaqay dalka Gudahiisa iyo Dibadiisa, kuwaasi oo Mucaarad ku ah Xukuumaddiisa, sidoo kalena doonaya inay ridaan.

HALKAAN KA DAAWO KHUDBADA RW KHAYRE

GAROWEONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM