DAAWO: RW Kheyre oo difaacay waxqabadka xukuumadiisa xilli Xildhibaano mucaaradeen

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa difaacay waxqabadka Xukuumaddiisa cusub, xilli Xildhibaanno ka tirsan Barlamanka Federaalka Somalia ay dalka dibadiisa kasoo mucaaradeen.

Isagoo ka hadlay Xaflad lagu soo dhaweynayay Duqa Muqdishu Thaabit Cabdi Maxamed, ayuu Ra'iisal Wasaaraha Kheyre sheegay in dowladdiisa ay qabatay wax badan mudadii 3 bilood ee xafiiska joogtay.

Amniga

Ra'iisal wasaaraha waxqabadka uu ku faanay waxaa kamid ahaa Amniga, oo uu xusay in Hay'addaha aniga Todobaadkii tagey ay fashiliyeen Labo Qarax oo Al shabaab ka geysan rabtay gudaha Caasumadda.

"Waxay billowday Xukuumadda inay Amniga ka qabato tallaabooyin cad-cad, Waad aragteen in ciidamada maalin kasta ay fashilinayaan baabuur dad Soomaaliyeed isku qarxin lahaa," ayuu yiri Kheyre.

Canshuurta

Ra'iisal Wasaaraha ayaa sidoo kale ka hadlay canshuurta dalka laga qaado, oo uu tilmaamay inay korartay mudada gaaban, ee uu Xafiiska joogo, isagoo taasina ku daray Guulaha ay gaartey Xukuumaddiisa.

"Waad aragteen inay korartay casnhuurta dalka laga qaadayay, waxayna ku koratay khasnada dowladda, si loogu bixiyo mushaarka," ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale Ra'isal wasaare Khayre oo dhinaciisa taagan yahay gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegey in shacabka magalaada Muqdishu midoobaan islamarkaana la shaqeeyaan duqa magalaada oo uu xusey inuu magacaaban yahay muddo 60 Cisho kaliyah.

Hadalka Kheyre ayaa imaanaya, xilli ay jiraan Xildhibaanno Kutlado siyaasadeed uga dhawaaqay dalka Gudahiisa iyo Dibadiisa, kuwaasi oo Mucaarad ku ah Xukuumaddiisa, sidoo kalena doonaya inay ridaan.

HALKAAN KA DAAWO KHUDBADA RW KHAYRE

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM