Dab ka kacay Suuq weyn oo ku yaalla magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Dab xooggan ayaa caawa ka kacay gudaha Suuq Bacaad, oo ah Suuqa labaad ee ugu weyn magaalada Muqdishu, ee Caasumdda dalka Somalia.

Goobjoogiyaal ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in dabka uu kacay Salaadda Maqrib kadib, kadibna uu cagta mariyay Dhismooyin Ganacsiga oo badan, Dukaamo Cuntooyin iyo alaabo kala duwan lagu iibiyo.

Shaqaalaha Dab-demiska maamulka gobolka Banaadir, oo wata baabuurta Booyadaha Biyaha, ayaa goobta gaarey, kuwaasi oo sameynaya dedaallo ay ku deminayaan dabka.

Waxaa lagu soo waramaya in dabeylo socda ay si xowli ah dabka ugu sii fidinayaan qeybaha kale ee Suuqaasi. Lama oga waxa keenay inuu dabka kaco, balse Ganasatada qaar oo la hadlay GO ayaa sheegay inay u maleynayaan cillada Koronto.

Wararka ayaa sheegaya inay socdaan baaritaan ay wadaan Saraakiisha amniga degmada Yaaqshiid, ee ah halka uu ku yaallo Suuq Bacaad.

Inta badan Suuqyada Muqdishu waxaa ka kaca dab noocan ah, oo baabi'iya hanti badan oo Ganacsato leeyihiin, iyadoo jiriin Hay'ado gaar ah oo maamulka gobolka u xil-saarey wax-kaqabashada musiibooyinkan soo noq-noqonaya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM