Dabley loo maleynayo Al-Shabaab oo weerar ka geystay Muqdisho

Image
Waa falkii ugu horeeyay noocaan ah oo muddo kadib ay kooxda ka fuliso caasimada Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Weerar loo maleynayo in ay ka dambeysay Al-Shabaab oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa waxaa lagu dilay saddex askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Falkan oo ka dhacay bar koontarool oo ciidamada ay ku leeyihiin degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa illaa haatan xog dheeraad ah aysan ka bixin hay'adaha nabad-gelyadda.

Kooxihii weerarka geystay oo aan heybtooda la garan ayaa si deg deg ah uga baxsaday goobta weerarka kadib, iyadoo aysan jirin cid weli sheegatay mas’uuliyadda falkan.

Dagaalameyaasha hubeysan oo wata Bas yar, ayaa waxay beegsadeen koontaroolka Tiida ee wadada xiriirisa degmadda Dayniile iyo xaafadda Daarusalaam.

"Digniin la’aan ayay rasaas ku fureen ciidamadii ku sugnaa Koontaroolka ka hor inta aysan ku guuleysan inay goobta ka baxsadaan," ayuu Garowe Online u sheegay sarkaal ka gaabsadey magaciisa.

Waa dhif iyo naadir weerarada noocaan oo kale ah ee Al-Shabaab ay bilihii lasoo dhaafay geysanayeen, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horeeyay ee lagu qaado koontarool ciidamada ay ku leeyihiin caasimadda in muddo ah.

Weerarkii ka dhacay degmada Deyniile ayaa dadka qaarkiis walaac ka muujiyay sida uu u fudud yahay dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda iyo sidda uu khatar ugu abuurayo laamaha ammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Somaliland oo is-dhaafsaday Maxaabiis Dagaal 

Wasiirku wuxuu ku tilmaamay is-weydaarsigan mid muhiim u ah dhismaha kalsoonida iyo xasilinta xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    30-04-2025

  • 09:36AM

Sheekh Aadan Madoobe oo lagu qasbay inuu Xildhibaan Abiib Kursigiisa u celiyo

Wasaarado katirsan Xukuumadda Xamse ayaa lagu soo waramayaa in warqadaha Abiib ay ku waayeen lacag badan iyo Mashaariic.

  • Soomaliya

    29-04-2025

  • 06:03PM