Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Kismayo

Image

KISMAAYO, Jubbaland- Qarax xooggan ayaa galabta ka dhacay gudaha magaalada Kismayo xarunta maamulka Jubbaland, waxaana lagu eedeeyay kooxda Al Shabaab.

Naftiisa Halige isku soo xiray jaakadaha qarxa oo doonayay inuu gudaha u galo xero lagu tababaro Ciidamada  amniga maamulka Jubbaland oo lagu magacaabo Congo ayaa weerarkaas gaystay.

Goob jooge ayaa xaqiijiyay in mid kamid ah ciidamada amniga uu is hortaagay ninkaas, ka hor intuusan qarxin.

Afhayeenka Wasaaradda amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u sheegay Qaraxan in ay ku dhinteen saddex Qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, halka midka kalena uu ahaa Ismiidaamiyihii Qaraxa fuliyay.

Axmed Carab Qaraxan ayaa tilmaamay inuu ku dhaawacmay Askarigii ka hortagay weerarka, kaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladiisa caafimaad loola tacaalo.

Weerarkan ayaa kusoo aaday xilli amniga magaalada Kismayo uu aad u wanaagsanaa muddooyinkii dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM