Dad ku dhintay Dagaal ka dhacay Cadalle

Image

CADALLE, Somalia- Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhimatay dagaal beeleed ka qarxay duleedka degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha dhexe, oo gacanta ku hayo maamulka Hir-Shabelle.

Mas'uul katirsan maamulka maamulka fadhigiisu yahay Jowhar,  ayaa GO u xaqiijiyey dagaalka iyo Khasaaraha, isagoo sheegay in colaadda ay tahay mid soo cusboonaatay, oo salka ku haysa aanooyin qabiil iyo dilal horey u dhacay.

Wuxu sheegay in Labo malleeshiyo beeleed oo deegaanka ah ay ku dagaalamayaan Tuulooyin hoostaga degmada Cadalle, iyadoo labada dhinac ay helayaan gurmadyo kala duwan oo xoojisay dagaalka.

Madaxda Maamulka Hir-Shabelle ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaal beeleedka dhiiga shacabka lagu daadinayo, islamarkaana lagu xaliyo khilaafka wada-hadal.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Odayaasha deegaanka ay ku wahan yihiin goobaha iska hor imaadku ka dhacay,  si ay u qabooyiyaan xiisadaha, xabad-joojina ukala dhigaan labada beelood ee colaadda sokeeye u dhaxayso.

Sidoo kale, dagaal kaas lamid ah ayaa shalay ka dhacay magaalada Marka, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose, waxaana ku dhimatay ugu yaraan 2 qof oo shacab ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM