Dad ku dhintay Qarax culus oo ka dhacay magaalada Kismayo

Image

KIMSYAO, Somalia- Qarax xooggan ayaa goor-dhaw ka dhacay magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaasi oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sarkaal katirsan Jubbaland ayaa GO u xaqiijiyay in ugu yaraan 3 ruux ay ku dhinteen weerarkaas, 20 kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii Bam gacmeen lagu weeraray Saldhigga Ciidanka Booliska magaalada Kismaayo.

Qaraxa kadib, waxaa goobta soo gaarey Ciidamo katirsan maamulka Jubbaland iyo Gaadiidka gurmadka oo dadka dhaawacyada gaarey ula cararay Isbitaalka guud ee Kismaayo, si loo daweeyo.

Goobjooge ayaa sheegay in Qaraxa uu ka dhacay dhabarka dambe ee saldhigga, islamarkaana Jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah magaalada, iyadoo kooxdii tuurtey Bam-ka ay baxsadeen.

Fahfaahin, kala soco Wararkeena Dambe hadii Rabbi Raali ka noqdo..

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM