Dad ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax gaari oo Sabtida maanta ah ka dhacay degmada Dharkeenley ee Muqdisho.

Qaraxa oo lagu sheegay nooca gawaarida lagu dhejiyo ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa isgoyska Xoosh iyo Ex-kontarool ee duleedka caasimadda.

Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in laba qof ay ku geeriyootay weerarkaas, mid kalena uu ku dhaawacmay falkaas.

Ruuxa dhintay ayaa la tilmaamay in uu ahaa darawalka gaariga qarxay, halka qofka kale uu la socday baabuurka.

Saraakiisha nabad-gelyadda ayaa ka gaabsaday in ay fahfaahin ka bixiyaan waxay ahaayeen dadka la socday gaariga.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa ku tilmaantay askar ka tirsan dowladda federaalka, wallow aanan si rasmi ah loo xaqiijin karin xogtaas.

Xoogaga Al-Shabaab ayaa inta badan dhabarka u rita falalka liddiga ku ah ammaanka ee ka dhaca koonfurta iyo qeybo kamid ah bartamaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo ku ballansan Shirka ka dhacaya Xalane

Wakiillada beesha caalamka iyo diblomaasiyiin sar-sare ayaa soo dhex-galay dhinacyada si ay u fududeeyaan is-fahamka.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 05:09PM

Mareykanka oo uga Digay Dowladda Soomaaliya in Awood loo Adeegsado Dibad-baxayaasha

Dhanka kale, laamaha amniga ayaa ku doodaya inay ka hortagayaan kooxo raba inay qalqal geliyaan nabadgelyada caasimadda.

  • Soomaliya

    12-05-2026

  • 09:33AM