Dad ku dhintay Qarax ka dhacay Makhaayad ku taalla Muqdishu

Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Qarax culus ayaa galabta goor gaaban ka dhacay magaalada Muqdishu gaar ahaan Maqaaxi ku taalla wadadka mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Goobjooge ayaa GO u sheegay in qaraxa uu ka dhashay Gaari lagu soo xiray walxaha qarka, oo la dhigay banaanka Maqaaxida Italian Coffee oo kasoo horjeeda xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia.

Qiiq iyo Uuro Madow ayaa hawada isku shareertey, waxaana dhawaqa qaraxa laga maqlay goobo fof-fog oo katirsan Muqdishu.

Gaadiidka Gurmadka Deg Dega ayaa goobta gaarey kuwaasoo soo daabulay dhaawacyada, iyadoo ay ciidamada xireen wadadaka Makka Al-Mukarama.

Inta la xaqiijiyay Qaraxan waxaa ku dhimatay 4 Qof, halka sidoo kalena ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sida ay sheegeen Hay’addaha ammanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso kooxda Al Shabaab.

Weerarka ayaa ka dhacay xilli dadweyne tiro badan ku sugnaayeen gudaha maqaaxida oo xilligaas laga shahaynayay.

Qaraxyo noocaan ah ayaa horay uga dhici jiray Muqdishu.

Majirto faah faahin dheeraad ah oo ilaa hadda kasoo baxday dowladda Somalia, taasoo ku aadan qaraxa iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Sawirro goobta lagasoo qaaday ayaa muujinaya bur-bur laxaad leh, dhaawacyo la sido iyo sidoo kale holac ka dhashay qaraxa baabuurkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM