Dad lagu dilay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Wararka aan ka helayno degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox hubaysan rasaas ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa xaafadda Siligga Ameerikaanka ee magaalada Muqdishu.

Kooxda falkan gaystay oo ku hubaysnaa Bastoolado ayaa nolosha dhaafiyay saddex ruux oo shacab ah iyagoo dhaawacay saddex kale.

Dadkan ayaa wararku sheegayaan inay ka ganacsadaan Qaadka, waxayna wada joogeen hal goob.

Lama oga sababta loo weeraray iyadoo maalmaha magalada Muqdishu kusoo badanayeen dilalka lala beegsanayo shacabka.

Ilaa hadda kooxna ma sheegan, balse waxaa loo malaynayaa inay ka dambayso  Al Shabaab oo maanta magaalada Muqdishu ku dishay Xildhibaan hore.

Goob jooge ku sugan halka weerarku ka dhacay ayaa GO u sheegay in kooxda gaysatay falkaas ay goobta ka baxsatay iyagoo aan la ogayn halka ay jaan iyo cirib dhigeen.

Ciidamada ammaanka degmada Wadajir ayaa goobta soo gaaray, waxayna samaynayaan baaritano kala duwan.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Wadajir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM