Dagaal ka dhacay Shabeellaha hoose iyo Askari lagu dilay Muqdishu

Image

MARKA, Somalia- Dagaal sababay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac oo u dhaxeeya Al shabaab iyo AMISOM ayaa saaka ka dhacay deegaanka Lambar-konton, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacaas uu daba socday mid xalay labada dhinac ku dhexmaray Xerada Al Yaasir, oo ay degan yihiin Askarta Burundi ee qeybta ka ah AMISOM.

Ururka Al Shabaab ayaa saldhigaas weerar kusoo qaaday Xalay.

Inta la xaqiijiyay Lix qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaalka 24-kii saac ee lasoo dhaafayay ka soconayay deegaanka NO:50, iyo Tuulooyinka ku dhaw. Shabaab ayaa ku xooggan deegaanadaas.

AMISOM iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka wali kama aysan hadlin dagaalka labada dhinac.

Dhanka kale, Kooxo hubaysan ayaa Askar katirsanaa ciidamada Booliiska dowladda Somalia saaka ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, sida uu Goobjooge u sheegay Warsidaha Garowe Online.

Askarigaan oo ka tirsanaa Ciidamada Asluubta dowladda Federaalka, ayaa lagu toogtey Xaafadda Xaawo Taako, waxaana dilka fuliyay labo nin oo ku hubaysan bastoolado kuwaasi oo goobta ka baxsaday.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka Askariga, balse dilalka nuucan ah waxaa Muqdishu inta badan ka geysata Kooxda Al shabaab, oo galgal ugu jirta sidii ay xukunka ugu ridi lahayd dowladda Federaalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM