Dagaal Khasaaro gaystay oo ka dhacay Galgaduud

Image

CEELBUUR, Somalia - Dagaal culus oo u dhaxeeyay labo Malleeshiyo Beeleed ayaa maanta ka dhacay deegaan ku yaalla gobolka Galgaduud, ee bartahama dalka Somalia.

Colaadda ayaa ka dhacday deegaanka lagu magacaabo Labi Caano oo ku yaalla inta u dhaxaysa Dhuusamareeb iyo Ceelbuur, kadib markii labo beelood ay ku murmeen Dul ay xoolaha daaqaan.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegay in dagaalka ay ku dhinteen ugu yaraan 6 ruux, oo labada dhinac ah, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 10 kale, kuwaasi oo loo qaadey xaruumaha caafimaadka Ceelbuur.

Xaaladda ayaa hadda degan, kadib markii dagaalka uu iskiisa u istaagay duhurkii, waxaana jirta cabsi xooggan oo laga qabo inuu markale labada malleeshiyo beeleed ay halkaasi isku fara-saaraan.

Odayaal ka kala tagey Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ayaa ku howlan deminta colaad Beeleedka.

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Galgaduud, ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhiiga ku daadanaya gobolka, kaasi oo kusoo aadaya xili dadka Xoolo-dhaqatada ah ay kasoo kabanayaan Abaartii ku dhufatay Somalia.

Gobolka Galgaduud ayaa inta badan ka dhaca dagaal Beeleedyada noocan ah oo salka ku haya dhul-daaqsimeedka iyo Ceelasha Biyaha laga cabo, kuwaasi oo geestay khasaarooyin badan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM