​Dagaal khasaaro sababay oo ka dhacay gobolka Shabeellaha hoose

Image

AFGOYE, Somalia-  Dagaal khasaaro geestay oo u dhaxeeya labo malleeshiyo beeleed ayaa ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Wararka aan dadka deegaan ka helayno ayaa xaqiijinaya in dagaalka uu qarxay, markii labada beelood ay ku murmeen lahaanshaha dhul beereed ku yaalla Tuulada Buulo-Yareey, oo 15Km u jirta Afgooye.

Dadka ku dhintey colaadda waxaa ku jiraa caruur iyo dumar ay guryahaooda ugu tagtey rasaasta dhexmartay labada dhinac. Dad badan oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dirirta.

Weerarka oo dhacay Maalintii Axadda, ayaa xiisaddiisa laga dareemaya gobolka iyadoo ay socdaan dadaalo ku aadan sidii lagu qaboojin lahaa.

Mas’uuliyiinta gobolka Shabeellaha hoose ayaa ugu baaqay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka, islamarkaana ay wadahadal ku xaliyaan khilaafka ka taagan dhul beereedka ay ku murmeen.

Odayaash deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay ku baxeen colaadda, islamarkaana ay qaboojiyeen iska-hor-imaadka, inkastoo wali la maqlayo rasaas goos-goos ah, oo aan sidaasi u badnayn.

Gobolkan waxaa ka taagnaa sanadihii dambe dagaal u dhaxeeya qabiilo isku haya maamulkiisa iyo mid kale oo dhexmaraya Al shabaab iyo ciidamada dowladda, oo ay taageerayaan AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM