​Dagaallo ka dhacay nawaaxiga Kismayo

Image

KISMAAYO, Somalia- Waxaa mar labaad maanta ka dhacay deegaanka Goobweyn dagaal culus, oo u dhaxeeyo ciidamada maamulka Jubbaland, oo garab ka helaya AMISOM iyo mallayshiyaad katirsan Al shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay weerarka ciidamada isku-dhafka ah ku qaadeen Al shabaab-ka ku sugan deegaanka Yoontooy, oo qiyaastii 13KM dhanka galbeed uga beegan magaalada xeebta leh ee Kismaayo.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay GO inay maqlayeen qaraxyo dhowr ah iyo hubka culus, iyadoo dhanka hawadana ay ku arkayeen diyaarado dagaal, oo loo malaynayo inay leeyihiin ciidamada Mareykanka.

Wararka ayaa sidoo kale xusaya in dagaal kaasi lamid ah uu ka dhacay deegaanka Goobweyn, oo aan sidaasi uga fogeyn Yoontooy halkaasi oo isku fara-saareen ciidamada Ethiopian iyo Malleeshiyada Al shabaab.

Saraakiisha Al shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan 3 askari, oo aysan sheegin dalalka ay u dhasheen ku dileen dagaalka mudada labada maalmood ka dhacay deegaanada Yoontoy iyo Goobweyn ee gobolka Jubbada hoose.

Maamulka Jubbaland wali kama uusan hadlin dagaalka, balse waxay dhawaan sheegeen inay billaabeen howlgallo military, oo Kooxda Al-shabaab uga saarayaan deegaanada gobolada Jubbooyinka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Jabuuti kordhinaysa Ciidanka ka jooga gobolka Hiiraan xili Al-Shabaab 2 degmo lawareegtay

Al-Shabaab ayaa dhawaan la wareegtay Moqokori iyo Maxaas oo Hiiraan katirsan, halkaasoo ay Ciidamada Jabuuti ka howlgalaan.

  • Soomaliya

    31-07-2025

  • 05:43AM

Sidee Ciidanka Taageersan Dowladda Federaalka Ula Wareegeen Gacan Ku Haynta Beled-Xaawo?

Ilo lagu kalsoon yahay oo la hadlay Garowe Online ayaa sheegay…

  • Soomaliya

    30-07-2025

  • 08:11PM