Dalalka ugu badan ee deynta ku leh Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka ayaa soo bandhigay wadamada ugu badan ee deynta ku leh Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda ayaa ku kala sheegay Mareykanka, Ruushka iyo Talyaaniga.

Deynta Mareykanka ayaa dhan 1 milyan; Ruushkana waa 700-kun halka Talyaaniguna leeyahay 600-kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Dowladdo kale ayaa jira dhamaantooda waxay go’aan ku gaareen in ay Soomaaliya ka cafiyaan deynta," ayuu u sheegay qayb kamida saxaafadda.

Wadar ahaan deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa aduun lacageed dhan 4 bilyan oo qeybtooda ku timid dul-saar ahaan.

Bangiga Aduunka iyo Hay'adda Lacagta Caalamka ee IMF ayaa taageerey qorshaha Qaanta looga dhaafayo dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Madaxwayne ku xigeenka Bangiga Aduunka oo Muqdisho yimid wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota," ayuu Bayle raaciyey.

Sidda laga soo xigtay xukuumadda, hadii Soomaaliya laga dhaafo deynta waxaa u suurtogaleysa in ay hesho maalgelin iyo deyn cusub oo ay qaadato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM