Dalalka ugu badan ee deynta ku leh Soomaaliya oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyadda xukuumadda federaalka ayaa soo bandhigay wadamada ugu badan ee deynta ku leh Soomaaliya.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo wariyeyaasha kula hadlay caasimadda ayaa ku kala sheegay Mareykanka, Ruushka iyo Talyaaniga.

Deynta Mareykanka ayaa dhan 1 milyan; Ruushkana waa 700-kun halka Talyaaniguna leeyahay 600-kun oo Doollar-ka Mareykanka ah.

"Dowladdo kale ayaa jira dhamaantooda waxay go’aan ku gaareen in ay Soomaaliya ka cafiyaan deynta," ayuu u sheegay qayb kamida saxaafadda.

Wadar ahaan deynta Soomaaliya looga leeyahay caalamka ayaa gaareysa aduun lacageed dhan 4 bilyan oo qeybtooda ku timid dul-saar ahaan.

Bangiga Aduunka iyo Hay'adda Lacagta Caalamka ee IMF ayaa taageerey qorshaha Qaanta looga dhaafayo dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Madaxwayne ku xigeenka Bangiga Aduunka oo Muqdisho yimid wuxuu sheegay in Soomaaliya ay u haayaan lacag dhan 700 oo milyan oo ay heleyso Saddexda sano ee soo socota," ayuu Bayle raaciyey.

Sidda laga soo xigtay xukuumadda, hadii Soomaaliya laga dhaafo deynta waxaa u suurtogaleysa in ay hesho maalgelin iyo deyn cusub oo ay qaadato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM