Daneeyeyaasha caalamka oo "ka walaacsan" amniga Muqdisho

Image
Mohammed El-Amine Souef , wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS [Photo: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan ammaanka Muqdisho kadib weeraraddii ugu dambeeyay ee madaafiicda ururka Al-Shabaab, sidda uu sheegay madaxa ATMIS.

Mohammed El-Amine Souef oo warfidiyeenka kula hadlay caasimada ayaa shaaca ka dhigay in daneeyeyaasha aduunka ay doonayaan in amniga magaala madaxda isbadal laga sameeyo.

Souef oo ka dhawaajiyey in uu saamileyda la yeeshay kulan ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in nabad-gelyadda la sugo "si hogaamiyeyaasha caalamka ay ugu soo dhiiradaan imaatinka Muqdisho".

"Daneeyeyaasha Soomaaliya waxay walwal ka qabaan ammaanka Muqdisho balse waxay rajeynayaan in ay soo hagaagto taasoo keeni karta in madaxwayneyaasha ay soo booqdaan dalka," ayuu xusay.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada gaadmada ah ee ay ka geysaneyso caasimadda gaar ahaan dilalka qorsheysan iyo hoobiyeyaasha.

Bishii hore ayay ahayd markii dhowr madfac ay ku dhaceen qaybo kamid ah Muqdisho iyadda oo ay booqasho ku joogaan madaxda wadamadda dariska ah ee Jabuut, Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kale, Souef ayaa bogaadiyey "guulaha ciidamadda Soomaaliya ka gaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab" iyo "sida guusha ah ee uu kusoo dhamaadey shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dibadbax rabshado wata oo ka dhacay magaaladda Burco

Dadka mudaharaadka dhigayay ayaa sheegay in haddii maxaabiista la sii daynayo maxaabiista SSC-Khaatumo.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 05:13PM

Jubbaland: Soomaaliya waxay wajahaysaa khatar kali-talisnimo iyo burbur ku yimaada federaalka 

Doorashooyinka la qorsheeyay ayaa dalka ka saari lahaa nidaamka beelaha kuna bedeli lahaa cod-bixin guud.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 02:21PM