Daneeyeyaasha caalamka oo "ka walaacsan" amniga Muqdisho

Image
Mohammed El-Amine Souef , wakiilka Midowga Afrika ahna madaxa ATMIS [Photo: Garowe Online]

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa ka walaacsan ammaanka Muqdisho kadib weeraraddii ugu dambeeyay ee madaafiicda ururka Al-Shabaab, sidda uu sheegay madaxa ATMIS.

Mohammed El-Amine Souef oo warfidiyeenka kula hadlay caasimada ayaa shaaca ka dhigay in daneeyeyaasha aduunka ay doonayaan in amniga magaala madaxda isbadal laga sameeyo.

Souef oo ka dhawaajiyey in uu saamileyda la yeeshay kulan ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in nabad-gelyadda la sugo "si hogaamiyeyaasha caalamka ay ugu soo dhiiradaan imaatinka Muqdisho".

"Daneeyeyaasha Soomaaliya waxay walwal ka qabaan ammaanka Muqdisho balse waxay rajeynayaan in ay soo hagaagto taasoo keeni karta in madaxwayneyaasha ay soo booqdaan dalka," ayuu xusay.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli Al-Shabaab ay maalmihii lasoo dhaafay kordhisay weerarada gaadmada ah ee ay ka geysaneyso caasimadda gaar ahaan dilalka qorsheysan iyo hoobiyeyaasha.

Bishii hore ayay ahayd markii dhowr madfac ay ku dhaceen qaybo kamid ah Muqdisho iyadda oo ay booqasho ku joogaan madaxda wadamadda dariska ah ee Jabuut, Kenya iyo Itoobiya.

Dhanka kale, Souef ayaa bogaadiyey "guulaha ciidamadda Soomaaliya ka gaaraan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab" iyo "sida guusha ah ee uu kusoo dhamaadey shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM