Danjire hore oo xirtey guri ay leedahay safaarada Soomaaliya

Image
Dhacdadan oo nooceeda oo kale uysan horey u soo marin diblumaasiyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa guddi Aqalka Sare ka hor sheegay xaalad dhowaanahan warbaahinta ku jirtay oo ku saabsan guri ay lahayd safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga, kaas oo xaaladiisa ay mugdi ku jirto.

Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in dowladda ay 4 guri ku leedahay Talyaaniga, midi waa xafiisyadii ay safaaradda ku shaqaynaysay, midna waa deegaankii safaaradda, mid waa gurigii xafiisyada u ahaa qunsuliyadda guud, midna waa deegaankii qunsulka guud.

Mursal ayaa tibaaxay in dhismihii safaaradda oo burbursan ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda, balse aanan lagu shaqaynin maadaamaa uu dayactir u baahanyahay.

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray in gurigii safaaradda uu qof dacwo ku haysto oo uu sheeganayo in uu lacag ku bixiyay, loona xaraasho, balse lacag 13 kun oo doolar oo wasiirka Abshir Huruuse uu bixiyay lagu hakiyay amar maxkamadeed in aanan la xaraashin, dowladdana arrinkaasi geli doonto in guriga uu kusoo noqdo gacanta dowladda.

Safaaradda Talyaaniga waxa ay hadda ku shaqeysaa dhismihii Qunsuliyadda Guud, waxaana jooga safiir ku-meel-gaar ah, sidda uu xaqiijiyey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mursal.

Hase ahaatee, gurigii qunsulka oo badqaba ayaa waxaa xirtay safiirkii hore oo muddo 7 sano ah joogay safaaradda, wuxuuna aaday dalka Canada, isaga oo guriga ku xirtay nambaro aan la furi karin, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka.

Dhacdadan oo nooceeda oo kale uysan horey u soo marin diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa falanqeeyeyaashu waxay sheegeen in ay horseedayso sawir-xun oo laga qaato Soomaaliya waxaana ay soo jeediyeen in degdeg loo farageliyo lana soo gabagabeeyo hadal-heynteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM