Danjire hore oo xirtey guri ay leedahay safaarada Soomaaliya

Image
Dhacdadan oo nooceeda oo kale uysan horey u soo marin diblumaasiyadda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa guddi Aqalka Sare ka hor sheegay xaalad dhowaanahan warbaahinta ku jirtay oo ku saabsan guri ay lahayd safaaradda Soomaaliya ee Talyaaniga, kaas oo xaaladiisa ay mugdi ku jirto.

Isaaq Maxamuud Mursal ayaa sheegay in dowladda ay 4 guri ku leedahay Talyaaniga, midi waa xafiisyadii ay safaaradda ku shaqaynaysay, midna waa deegaankii safaaradda, mid waa gurigii xafiisyada u ahaa qunsuliyadda guud, midna waa deegaankii qunsulka guud.

Mursal ayaa tibaaxay in dhismihii safaaradda oo burbursan ay haatan gacanta ku hayso wasaaradda, balse aanan lagu shaqaynin maadaamaa uu dayactir u baahanyahay.

Diblumaasiga ayaa intaas ku daray in gurigii safaaradda uu qof dacwo ku haysto oo uu sheeganayo in uu lacag ku bixiyay, loona xaraasho, balse lacag 13 kun oo doolar oo wasiirka Abshir Huruuse uu bixiyay lagu hakiyay amar maxkamadeed in aanan la xaraashin, dowladdana arrinkaasi geli doonto in guriga uu kusoo noqdo gacanta dowladda.

Safaaradda Talyaaniga waxa ay hadda ku shaqeysaa dhismihii Qunsuliyadda Guud, waxaana jooga safiir ku-meel-gaar ah, sidda uu xaqiijiyey wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Mursal.

Hase ahaatee, gurigii qunsulka oo badqaba ayaa waxaa xirtay safiirkii hore oo muddo 7 sano ah joogay safaaradda, wuxuuna aaday dalka Canada, isaga oo guriga ku xirtay nambaro aan la furi karin, sida uu sheegay wasiir ku xigeenka.

Dhacdadan oo nooceeda oo kale uysan horey u soo marin diblumaasiyadda Soomaaliya ayaa falanqeeyeyaashu waxay sheegeen in ay horseedayso sawir-xun oo laga qaato Soomaaliya waxaana ay soo jeediyeen in degdeg loo farageliyo lana soo gabagabeeyo hadal-heynteeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM