Danjire Tarsan oo soo gabagabeeyay mudadii uu ahaa safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya

Image

NAIROBI (GO) - Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ku taal Magaalada Nairobi ayaa munaasabad loogu qabtay Danjire Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo soo gabagabeeyay mudadii uu ahaa safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, marti sharaf kale, iyo xubno ka socday diblumaasiyiinta Kenya.

Danjire Tarsan ayaa tan iyo sanadkii 2018-kii soo ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya,

Dr. Abraham Korir Sing'Oei, Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Danjire Nuur ku bogaadiyay adeeggiisa wanaagsan iyo wax qabadkiisa la taaban karo ee ku aaddan horumarinta xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

“Danjire Nuur waa saaxiibka dhabta ah ee Kenya, waxaana bogaadinaya dadaalka hagar la'aanta ah ee uu ugu jiro horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika." ayuu hadalkiisa raaciyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM