Somalia: Barlamanka Hirshabelle oo xilkii ka qaadey Madaxweynaha

Image

JOWHAR, Somalia - Barlamanka maamulka Hirshabelle, ayaa goor dhaw xilka ka qaadey Madaxweyne Cali Cabdullaahi Cosoble, kadib markii 72 Xildhibaan ay ka keeneen shalay mooshin kalsooni kala noqosho ah.

Xildhibaanada ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha inuu ku takrifalay awoodda, waxaqabad la'aan, iyo inuu wadashaqen la sameyn waayey labada Golle, ee Xukuumadda iyo Barlamanka.

Maalintii shalay waxaa Xilka hal mar iska casilay 13 Wasirro iyo ku xigeenno, iyagoo sheegay in Madaxweynaha ku fashilmay xilka, sidoo kalena la imaan waayay wax-qabad mudadii 10-ka bilood ee uu joogay Xafiiska.

Madaxweyne Cosoble ayaa xilka loo doortey October 17, 2016, kadib Doorasho ka dhacday magaalada Jowhar, taasi oo uu kaga adkaaday Maxamad Cabdi Waare oo la tartamey.

Fahfaahin filo Goordhaw.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gaaray Addis Ababa xili Al-Shabaab oo Qabsatay Maxaas

Macwiisleyda ayaa ka filayay Al-Shabaab dhanka waqooyi inay uga imaanayso, balse Koonfurta ayaa looga yimid.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 12:41PM