DEG DEG: Madaxweyne Farmaajo oo booqasho ku tagey Afgooye

Image

AFGOOYE, Somalia- Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta booqasho ku tagey degmada Afgooye, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Isku socodka Gaadiidka iyo dadweynaha Wadada dheer ee isku xirta Muqdishu iyo Afgooye ayaa hakad la geliyay saaka, iyadoo la dhoobey ciidamo katirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Afgooye, waxaana uu kulamo la leeyhay Madaxda maamulka, Taliyaasha ciidamada kala duwan iyo qeybaha kale ee bulshada.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan oo isna maanta soo gaarey Afgooye ayaa la filayaa inuu halkaasi kula kulmo Madaxweyne Farmaajo.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo u usii gudbi doono Deegaanka ay isku hor-fadhiyaan Ciidamada dowladda Somalia, AMISOM iyo Al shabaab, oo uu kamid yahay Lambar-konton.

Sidoo kale, waxa uu tagi doonaan Balli-doogle iyo Laanta-Buure, isagoo halkaasi ugu soo kuurgali doonaan xaaladda ciidamada jiida hore ku sugan, waxaana uu ku meeri doonaan xaruumaha ciidamada.

Booqashad Farmaajo ayaa noqonaysa tii ugu horeysa oo uu ku tago gobolka Shabeellaha hoose, tan iyo markii la doortey bishii February 8, ee 2017.

GAROWOENLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM