DEG DEG: Mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaanada oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Haweenay kamid ahayd Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ayaa goor dhaweyd lagu dilay magaalada Muqdishu.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in Labo Nin oo Bastooladu ku hubaysan ay Haweenayda oo lagu magacaabi jiray Haajira Cabdi ku toogteen Xaafadda Siliga Ameerikaanka, ee degmada Wadajir.

Ragga dilka geestay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana markii dambe gaarey Ciidamo katirsan dowladda oo sameeyay baaritaanno, aan cidna lagu soo qaban, sid ay sheegeen Goobjoogayaal la hadlay GO.

Haajira waxa kamid ahayd Ergadii Xildhibaanada kasoo xushay maamulka Koonfur Galbeed.

Dilalka Xubnaha Ergooyinka ayaa mudooyinkii dambe kusoo banadayay Muqdishu, waxaana beegsi ku haya Al shabaab, oo horey wacad ugu martay inay dilayso dadka soo xulay Barlamanka hadda jira ee Somalia.

GAROWEONLINE


Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM