DEG DEG: Mukhtaar Roobow oo isku dhiibay Mamaulka Koonfur Galbeed

Image

XUDUR, Somalia - Sheekh Muktaar Roobow Cali "Abu Mansuur", Afhayeenkii hore ee Kooxda Al shabaab ayaa saaka isku soo dhiibay Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka Somalia ee ku sugan magaalada Xudur, ee xarunta gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidamada Booliska maamulka Koonfur Galbeed Shiine Maclim Nuurow ayaa xaqiijiyay isasa soo dhiibidda Mukhtaar Roobow, oo uu sheegay in hadda uu ku sugan yahay degmada Xudur isaga iyo malleeshiyada uu watay.

Saraakiil sare oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed, iyo Wasiirro ayaa Mukhtaar Roobow kasoo galbiyay deegaanka Abaal, oo mudo labo maalmood ah kula dagaalamayay Al shabaab, oo isku dayay inay dileen Abu Mansuur, markii uu heshiis la galay dowladda Federaalka Somalia.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu Abu Mansuur kusoo dhaweeyay magaalada Xudur, waxaana la filayaa in loo soo qaado dhanka magaalada Baydhabo, si uu ugu qabto halkaasi Shir Jaraa'id oo uu ku shaacinayo kasoo bixistiisa Al shabaab.

Mukhtaar Roobow, oo mar soo noqday ku xigeenka hogaamiyaha Al shabaab iyo Afhayeen ayaa kasoo goostay Kooxda sanadkii 2013-kii, kadib markii ay is khilaafeen Axmed Godane, kahor inta uusan Mareykanka duqeyn ku dilay September 1, 2014-kii.

Fahfaahinta Warkan kala soco wararkeena dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM