DEG DEG: Qarax Culus oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax xooggan ayaa caawa fiidkii ka dhacay bartmaha magaalada Muqdishu, kaasi oo laha maqlay jugtiisa qeyb kamid ah Caasumadda.

Goobjooge ayaa GO u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee Hotel Ambassador, oo ku yaalla Wadadka Makka Al-Mukarama, waxaana weerarka loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasi oo geestay khasaarooyin kala duwan.

Wali lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, balse waxay wararka sheegayaan inay dad badan ku dhinteen, qaar kalena ay ku dhaawacween. 

Goobta qaraxa waxaa ku yaalla Isbitaal lagu magacaabo Daarul-Shifa, mana la xaqiijin halka uu bartilmaameedku ahaa. Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadiisa. Halka uu weerarka ka dhacay waxaa ka dhaw bar-koontarool oo ciidamada ay ku baaraan gaadiidka, xilliga habeenkii.

Ciidamo katirsana dowladda Federaalka Somalia, ayaa goobta xiray, waxaana ay afarta jiho u ridayeen rasaas xooggan, iyadoo gebi ahaanka hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Fahfaahinta qaraxa, kala soco Wararka dambe ee GaroweOnline.

GAROWEONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM