Qarax xooggan oo ka dhacay magaalada Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Qarax culus ayaa goordhaw ka dhacay bartamaha magaalada Muqdishu, ee Caasumadda Somalia.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay Gaari walxaha qarxa lagu soo xiray, kaasi oo ka dhacay meel ku dhaw Hotel lagu magacaabo Mubaarak, oo ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay Goobo fog-fog oo ku yaalla magaalada Muqdishu, iyadoo hawada isku shareertay Uuro madow.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid mar hore ay Ciidamada qabteen markii laga shakiyay Gaari, kaasi oo looga tagey Wadada qarkeeda.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta xiray waxaana socda baaritaano xooggan.

Fahfaahin kala soco Wararkeena dambe

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM