Deni: Doorashada waa arrin aan dhinac looga wareegi karin

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa si aan toos ahayn uga digay soojeedin ka timid Midowga Musharaxiinta.

BAYDHABO, Koonfur Galbeed - Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si aan toos ahayn wuxuu uga digay soojeedin ka timid xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta madaxtinimada.

Deni oo xalay ka hadlay munaasabad lagu xusay sanad-guuraddii 3aad ee kasoo wareegatay doorashaddii hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, ayaa sheegay in soojeedintaas ay khatar tahay.

Sida laga soo xigtey Deni, soojeedintaas waxay kasoo horjeedaa nidaamka doorashadda ee dalka ka dhaqan-gashay taasoo dib u soo celisay xukunka dimuqraadiga ah burburkii sokeeye kadib.

"Doorashadda waa arrin aan dhinac looga wareegi karin. Saldhig waxay u tahay nidaamka xukunka ee burburka kadib bilowdey in uu horay u socdo. Waxaan Ilaahey ka rajeynayaa in nidaamkaas uusan istaagin," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Dadka marmar dhahaya nidaamkan ha iska daayee goleyaal hala sameeyo waa dad raba in dadkan [Soomaaliyeed] ay ku celiyaan Teendhadii Carta waana qatar".

"Fekerkaas anigu waan ka digayaa, laakiin wixii qaldan ah in la saxo ayaa loo baahan yahay, qaladna waa ka imaanayaa meel ay howl ka jirto sida horay loo sheegay," ayuu hoosta ka xariiqay.

Soojeedinta musharaxiinta ee sidda aan tooska ahayn uu uga digay Deni ayaa ah in la joojiyo doorashadda lana sameeyo gole ku meelgaar ah oo dalka doorasho u diyaariya muddo laba sano gudahoodda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM