Deni iyo Qoorqoor oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Image
Image
Image
Hogaamiyeyaasha maamulada kale ee dalka ayaa la filayaa in ay ka dagaan magaalada.

BAYDHABO, Puntland - Madaxwayneyaasha dowladaha Puntland iyo Galmudug ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dagay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meelgaarka maamulka Koonfur Galbeed.

Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Qoorqoor waxaa siyaabo kala duwan u soo dhaweeyay madaxwayne Cabdicasiis Xasan Laftagareen kaasoo kalkii dambe si wadajir ah ugu qaabilay xafiiskiisa.

Deni iyo Qoor ayaa ka mahadceliyay Dowladda iyo Shacabka Koonfur Galbeed sida wanaagsan ee ay usoo dhoweeyeen wufuuda ka kala socota Puntland, Galmudug iyo dadka kale ee halkan lagu martiqaaday.

Wafdiga Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ka mid ah Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Puntland, Ismaaciil Maxamed Warsame, xubno ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya Aqalka Sare ee Soomaaliya, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda Puntland, la taliyeyaal iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Hogaamiyeyaasha maamulada kale ee dalka ayaa la filayaa in ay ka dagaan Baydhabo. Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble wuxuu kal sii horeysay ka dagay xarunta gobolka Bay.

Ujeedka socdaalkooda waxaa qeyb ka ah ka qeybgalka munsaabadda sanad-guurada 3-aad ee kasoo wareegatay markii la doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Inta ay ku sugan yihiin magaalada, waxaa la filayaa in ay yeeshaan wadaxaajoodyo dhexdooda ah kuwaasoo ay diiradda ku saari doonan qaabka xal loogu heli lahaa caqabadaha hareeyay doorashooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM