DF oo ku fashilantay in ay fuliso is-afgarad ay la gashay maamuladda
MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuldareystay in ay fuliyaan is-afgarad la xiriira doorashooyinka 2020-21 oo ay la galeen maamul goboleedyada waddanka.
Is-afgaradkaas oo lagu gaarey kulankii dhanka Internet-ka oo hogaamiyeyaashu yeesheen 22-kii bishaan June ayaa ka koobnaa laba qodob oo bud-dhig u ah heshiis laga gaaro coddeynta soo aadan.
Qodobka koowaad oo ahaa kan ugu culus ayaa ku aadanaa in la hakiyo doodaha iyo u coddeynta xeerarka doorashooyinka ee loo gudbiyey Golaha Shacabka.
Xeerarkaas waxay kala yihiin; Asteynta kuraasta baarlamaanka, metelaadda gobolka Banaadir, qoondada haweenka iyo goboladda waqooyi; saddex xeer ee ugu dambeysay waa la meelmariyey.
Qodobka labaad wuxuu ku saabsanaa in madaxweynuhu muddeeyo goorta iyo goobta Shirka Amniga Qaranka oo uu iclaamiyey in uu Muqdisho ka dhacayo 5-8 bisha soo aadan ee Julaayo, sanadkan 2020.
Intaas waxaa wehlisa in leysku raacay in dib loo dhigo warbixinta guddiga doorashooyinka Qaranka u jeedinayo baarlamaanka.
Go'aanadan ayaa horudhac u ahaa wadahadalo fool ka fool ah oo madaxdu ka yeeshaan mar-xalada kala guurka ah ee dalka galay.
Maadaama muuqaneyso in hogaanka Villa Soomaaliya ku fashilmeen in ay dhaqan-geliyaan is-afgaradkaas, calaamad su'aal ayaa dul-heehaabaneysa in ay dhici karaan wadatashiyadda lagu balamay.
Puntland iyo Jubaland oo digniino soo saarey markii la ansixiyey xeerarka gobolada waqooyi iyo qoondada haweenka ayaa caddeeyay in aysan aqbali doonin sharci kasta oo aan marin habraaca.
Si gaar ah dowladda Puntland ayaa ku goodisay in ay ku dhawaaqi doono go'aan kasta oo dastuurkeeda u ogolaanayo hadii qodobo xal u noqonaya xaalada cakiran ee dalka ka taagan ay kasoo bixi waayaan shirka.
Inkasta oo maamulada aysan bayaano rasmi ah kasoo saarin ansixinta xeerka metelaada gobolka Banaadir, haddana mudaneyaasha kasoo jeeda dowladahaan ayaa isaga baxay fadhigii shalay lagu meelmariyey.
Qaar kamid ah Xildhibaanada iyo wasiirada xukuumadda ka tirsan ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubbaland oo diiday xeerka ayaa ku doodey in aan loo marin nidaamka dastuurka KMG ah ku xusan.
Guddiga doorashooyinka madaxa-banaan ayaa isla shalay wuxuu u caddeeyay baarlamaanka in doorashooyinka 2020-21 aysan waqtigooda ku dhici karin, waxaana arintaas sii sarre u qaadey tuhunka muddo kororsiga.
GAROWE ONLINE